Khamiis, Maarso, 16, 2017 (HOL) - Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka
Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray
dadka ka yimaada Lix dal oo Muslim ah.
Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa
waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York,
Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.
Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay
shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.
Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta
dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran, waxa uu
sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.
Dalka Ciraaq oo todobo ku ahaa dalalkan ayaa liiska laga saaray, ka dib
markii uu ogolaaday in muwaadhiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu
soo rogo baaritaan dheeraad ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]