5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 26, 2017
Saameynta sharcigii uu saxiixay Donald Trump ee ka dhanka ah Muhaajiriinta

 

Khamiis, Janaayo, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa shalay Saxiixay Dhawr Sharci oo lagu xakameenayo  muhaajiriinta  soo galaaya dalkaan, Sidoo kale Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Trump uu shalay soo saaray sharci uu ku adkeyn doono ammaanka soohdinta uu dalkan la wadaago Mexico dhisina doono darbigii uu balanqaaday xiligii ololaha doorashadiisii.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaysa in maamulka cusub uu adkeyn doono dal ku-galka ay Maraykanka siiyaan muwaadiniinta todobo dal oo Muslim ah, oo ay ka mid yihiin Somalia, Syria, Sudan, Iran, Iraq, Libya iyo Yemen.

Cabdinaasir Mohamed Abdulahi oo ah Garyaqaan Dagan Gobolka Minnesota ayaa HOL u sheegay in sharcigan hada yahay hakin kaas oo ku kooban mudo kooban  oo oo dhan Afar bilood ayna dowladu sheegtay in baaris dhamaystiran ay sameenayaan.

Garyaqaan Cabdinasir Maxamed ayaa sidoo kale yiri waxaa suurtogal ah in ay saamayso dadka Soomaaliyeed ee sugaayay in dib u dajinta dalkaan ay ku yimadaan  dhawaanahan,waxaa kaloo uu sheegay in sharcigaan  hada uu cusub yahay loona baahan yahay in aan dareenkeena ka muujino sidaan uga xunahay hadaan nahay soo galootiga dagan dalkaan

 Waxaa  shalay Magaaladda Muqdisho laga Dajiyey 90 qof  oo laga celiyey dalkaan Maraykanka dadkaas oo mudo ku jiray xabsiyada dalkaan ayaa loo diiday in la aqbalo codsigoodii ahaa nabadgalyo iyo nolol doonka ay ku rabeen  Maraykanka, Garyaqaan Cabdinasir ayaa arintaan ku tilmaamay nasiib daro marka loo eego buu yiri sharciga Maraykanka iyadoo Somaaliya aysan ka jirin dowlad damaanad qaadi karta nabadgalyada dadkaas.

Ugu danbeyntii, garyaqaanka wuxuu kaloo cadeeyay in hadii aysan raali ka hayn dowladda Soomaaliya ama Safaarada Soomaalida ee Washington aan dadkaas dib loogu celiyeen Soomaaliya iyagoon haysan wax waraaqo ah oo ay ku safri karaan.

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online