4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2017
Haweeney uu qabo Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al shabaab oo lagu qabtay Muqdishu

 

Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) - Howlgallo ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay maanta ka sameeyeen degmadda Cabdi-casiis ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ay ku soo qabteen haweeney uu qabo Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al Shabaab.

Haweeneyda ayaa waxaa lagu magacaaba Leyla Cumar Baaruud waana xaaska sarkaal Ajinabi ah oo u dhashay dalka Itoobiya oo ka bar-bar dagaallama Al Shabaab, sida sirdoonka ay shegeen.

Ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in ay muddo 5 bil ah ka raadinayeen gudaha Magaallada Muqdishu.

Haweeneyda, ayaa la sheegay in ciidmadda ay su’aallo weydiinayaan.

Laylo Cumar Baaruud ayaa ah hooyo labo caruur ah leh.


Hassan Istiila