Sabti, Feberaayo 25, 2017 (HOL) -Agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan ayaa lagu so warmayaa in uu iscasilay kadib markii u waraaqdii iscasilaadiisa uu u gudbiyay Madxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ka aqbalay sida Illo Xog ogaal ah ay no xaqiijiyeen.Iscasilaada Deeq Suleymaan ayaa ilaa iyo hadda la ogayn sababta ka danbeysa,inkastoo Warar hor-dhaca ah oo ay heshay HOL ay tilmaamayaan in Deeq sulemaan iscasilaadiisu ay asalka ku hayso ka mid noqoshada Xubnaha Golaha wasiirada Puntland oo dhawaan la filayo in u so magacaabo Maadaxweynaha Puntland.Sidoo kale,Wararka ayaa intaas ku daraya in deeq Sulaymaan uu rajo ka qabo in uu ka mid noqdo Xukuumada Cusub ee Soomaaliya oo u so magcaabidoono hadii ay Baarlmaanka ansixiyaan Xassan Cali Kheyre R/wasaaraha Cusub soomaaliya.Dhinaca kale,Deeq Sulaymaan ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay oo u magacaabey Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas 2014-kii Markii uu Madaxweynaha Puntland uga guulaystay Madxawenihii hore ee Puntland C/rixmaan Faroole oo tartan adag u dhex-maray.Ugu danbeytii, danbayntii,Iscasilaada Agaasimaha Madaxtooyada Puntland ayaa ku so beegmaysa,iyadoo ay so baxayaan dhaliilo waxqabada la,aan oo ay Xukuumada Puntland u so jeedinayaan siyaasin horay Xilal uga so qabtay Xukuumadii hore ee Puntland.Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan onlineEMAIL:[email protected]Garowe,Puntland_Soomaaliya