4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Sadax Xildhibaan oo kulan xogwaran ah Minnesota ku qabtay xalay


Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Xildhibaanadda kala ah Sadiiq Warfaa, Sacdiyo Salaad iyo Cabdifataax Cali oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa booqasho gaaban ku joogay gobolka Minnesota oo ay hore u daganaayeen ayaa habeenimadii xalay kulan xogwaran ah u qabtay xubnaha jaaliyadda ee ku dhaqan gobolkaan.

Xildhibaanadaan ayaa jaaliyadda si wada jira uga war bixiyey xaaladda dalka uu marayo iyo isbadaladii dalka ka dhacay ,waxayna dhamaantood Hanbalyo u direen raysal Wasaaraha cusub Xasan Khayre waxayna  khudbadahoodii ku sheegeen in ay la shaqeen doonaan Ra'iisal cusub ansaxintiisana ka qaybqaadan doonaan .

Sacdiyo Salaad oo ugu horeen cod baahiyaha loogu yeeray ayaa aad uga hadashay daruufaha adage e dalku maraayo xaga abaaraha iyo waliba tan ciidanka Soomaaliyeed oo ay ku amaantay  geesinimada iyo dhiiranaanta ka muuqata,Sacdiyo waxay kaloo sheegtay in Haweenkii soo galay baarlamanka ay hormuud ka ahaayeen isbadalka dalka ku yimi bilowgii bishaan iyadoo sheegtay in haweenka baarlamanka ku jiraa ay hada tahay % 26 ayse aheed inay noqoqto % 30.

Cabdifataax Cali ayaa u sheegay  dadkii goobta isagu yimi in xiligii mooshinku dhamaaday uuna ku egaa Baarlamaankii 9aad ,waxaan ansaxin doonaa wax dalka wax taraya ee ma ansaxin doono mid R/wasaare lagu ridaayo ayuu sheegay Cabdifataax Cali oo ka mida Baarlamanka Soomaaliya ee 2017 ka soo galay.

Sadik Warfaa ayaa isaguna goobta ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabatay aadna ula hadlay qurbojoogta kuna dhiiri galiyey in dalka ay wax galiyaan dhaqaalo na ugu talagalaan, Sadik waxuu aad uga hadlay muhiimadda difaaca dalka ,waxuuna sheegay in nabadgalyadu ay tahay mid dadka Soomaaliyeed ay tahay in ay iyagu gacmahooda ku soo ceshtaan ,Sadik waxaa kaloo uu ka hadlay xaaladda dalkaan Maraykanka waxuuna dadka faray in hadalada Trump ay meel uga soo wada jeestaan waxuuna reer Minnesota faray midnimo iyo in danta guud laga wada shaqeeyo.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay aqoonyahano, dhalinyaro, waxgarad, xildhibaano hore , waxayna dhamantood sheegeen inay ku farxsan yihiin xubnaha reer Minnesota ee baarlamanka ku jira waxayna fareen in dalka ay u shaqeeyaan.

Siyad Said Salah

[email protected]

Minneapolis,Minnesota