4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2017
Dagaal beelleed ka socda magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Qaar ka mid ah dadka degmada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo aad mid xoogan uu soo socda labadii cisho ee la dhaafay.

Gaar ahaan dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay deegaannada Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo magaalada Marka ka wada tirsan.

Guddoomiya ayaa intaa ku daray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dhinacyada iska soo horjeeda.

Magaalada ayaa lagu waramayaa in dhaqdhaqaaqa ganacsiga uu hakad galay, inta badan dadka rayidka ahna ay ku jiraan guryahooda, halkaa oo ay gabaad ka dhiganayaan.

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar warbaahinta la wadaan xog ku saabsan dagaalka ayaa sheegay in mudo labo cisho ah uu soo socda, islamarkaana uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beelood oo horay sidan oo kale marar bada oo hore ugu dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka.

Ugu danbeyntii, waxgaradka gobolka Shabeellaha hoose ayaa ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf ahna laga wada hadlo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]