4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2017
Raisalwasaaraha cusub oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

 

Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.

Labada dhinaca waxaa ay ka wada hadleen xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada dowladood, sida Khayre uu sheegay.

Mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay David Concar, maalin ka dib markii loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dowladda England ayaa dhawaan waxaa ay 100 Milyan oo Geni ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatada abaaraha ee ka jira Soomaaliya.

Raisalwasaare Xasan Khayre, ayaa marka ay ansixiyaan Barlamaanka Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumaddiisa.

Dhinaca kale, Dibadbax lagu taageerayo Raisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu  ka dhacay Taallada Daljirka-Daahsoon ee magaaladda Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeyb-galay duqa magaaladda Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaanno iyo odayaal dhaqameedyo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay taageersanyihiin madaxweeynaha go’aanka uu ku doortay Xasan Cali Khayre.
 

Hassan Istiila

[email protected]