4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2017
Shabellaha Dhexe: Saddex Ruux oo dhintay iyagoo Miino dhulka ku aasaya.

 

Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Ugu yaraan saddex ruux oo la sheegay in ay Miino ku aasayeen dhulka ayaa geeryooday, kadib markii ay ku qaraxday miinadii ay aasayeen.

Dhacdadaan waxaa ay ka dhacay Deegaanka Biyo Cade ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida goob-joogayaal ay shegeen.

Dadka degaanka waxaa ay shegeen in saddexda ruux meydkooda lagu arkay deeganka iyo qoryihii ay wateen, waxaana maamulka uu sheegay in ay ahaayeen kuwii aasayay miinada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo rag aasaya miino ay kula qaraxdo deegano ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Hassan Istiila

[email protected]