4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2017
Bangi-ga Amal oo Garowe ka Daah-furay mashruuca Maal-gelinta Ganacsiyada yar-yar

Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL)-Bangiga Amal ayaa Maanta Garowe ka daahfuray wajigii labaad  ee mashruuc lagu maalgalinayo gacanasatada yar-yar oo ay ku baxayso  $400,000 oo dollar oo u kala bar u  dayn han u bixinayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Mashruucan lagu maalgalinayo gacansatada yar-yar ayaa ah deyn aan dulsaar lahayn,taaso la macna ah in qofka lasiinaayo lacag caddaan ah oo aan dulsaar lahayn.

Madaxa Suuqgeynta Bangiga Amal Cabdikheyr Abshir Jama, ayaa sheegay in wajigii koobaad ee mashruucan ay ka faa,iideysteen 287 qof, kawaasi oo ay ku baxday lacag dhan $267,150 Dollar,iyadoona ay iska kaashadeen Bangiga Amal, Hay’ada shaqaalaha adduunka (ILO) iyo Gudiga hormarinta degmooyinka Puntland.

Sidoo kale, C/keyr ayaa sheegay in iyadoo amal ay kaashneyso waayo aragnamadii ay ka heleen  wajigii koobaad Mashruucan ay u faa,iideyndoonaan 1,000 ganacsatada haysata ganacsiga yar-yar oo ku kala nool 17 Degmo oo kamid ah Soomaaliya.,kuwaaso u badan doona dumar dhaqdhaqaaqa ku leh suuqyada ganasiga yar yar..

Dhinaca kale Maamulaha guud ee Bangiga Amal Saciid cali shire ayaa xusay in ujeedka mashruucan u yahay sare u qaadista tayada nolosha ee danyarta, iyo in dadka danyarta ah loo sameeyo ilo dhaqaale. Dhinaca kale, himilooyinka mashruucaan waxaa ka mid ah in bulshadu u aragto in Bangiga Amal uu qayb ka yahay horumarka danyarta iyo dumerka ka shaqeeya ganacsiga yar yar ay hormar sameeyan.

Ugu Danbeynti,Wasiirada Haweenka Puntland aniso xaaji muumin iyo Faadumo diiriye oo ka mid dadka u olaleeyaha Haweenka danyarta ah oo Daahfurka Mashruucan kala qayb-galay Bangiga Amal ayaa  si weyn ugu wada dheeraday faa,iidada haweenka uu leeyahay Mashruucan lagu maalgaalinayo ganacsiga yar yar,iyadoo wasiir Aniso ay Bangiga amal ku amaantey shaqada ay bulshda u hayaan,waxaana xustey inay si dhow ula shaqaysyo ulana shaqayndoonto Amal Bank.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:- [email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya