4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Kenya oo sheegtay inay taageersan tahay madaxweyne Farmaajo iyo dawlada cusub ee loo dhisayo Soomaaliya

Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Caleemo saarkii shalay ee madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay mandaqada Geeska Afrika sida madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaa sidoo kale joogay oo xaadir ku ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, raisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madax kale oo badan. Waxay muujiyeen dhammaantood inay taageerayaan madaxweynaha cusub iyo dawlada aadka loo taageersan yahay ee la yegleeli doono dhawaan.

Madaxdaa ayaa joogitaankooda xaflada caleema saarku ahaa inay ka dhigan tahay ayidaad ah in Soomaaliya iminka ay bilowday kasoo kabashada dagaalkii sokeeye ee soo bilowday 1991.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dawlada cusub ee Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo uu taageersan yahay dawlada Kenyana ay taageersan tahay.

Wuxuu Uhuru intaa raaciyay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Kenya iyo Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]