Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) - Magaalada
London ayaa lagu qabtay munaasabad lagu
weyneynayay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, taasi oo ay soo
qaban qaabisay Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ah urur u
heellan horumarinta Afka hooyo
Howl wadeennada
Xafiiska AGA ee dalka Britain oo isaga yimid magaalooyin dhowr ah
ayaa si diiran u soo dhaweeyay martida iyo dadweynaha ka soo qeyb galay
munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ururka la dagaalanka qabyaalada ee
ATM
Aqoonyahanada
lagu casumay Munaasabadda oo ay ku jiraan khabiiro ku xeeldheer Afka iyo
dhaqanka Soomaalida ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda iyo heerka uu soo maray
Af Soomaaliga .
Prof.
Cabdalla Mansuur oo kayimid dalka Talyaaniga ayaa muxaadaro dheer uu halkaasi
ka jeediyay waxaana uu si cilmiyeysan uga hadlay heerarka uu Afku
soomaray, iyadda oo buugaagta goobta lagu soo bandhigay kamid ahaa Buug weyn uu
qoray ka qoray Afka.
Prof:
Cabdalla Mansuur waxaa ayaa sheegay in ka ummad ay Soomaalidu xornoqotay marki
la dhaqan geliyay adeegsiga Afka hooyo 1972 ki, taasi oo uu sheegay in ay ahayd
talaabo taariikhi ah oo dowladdi kacaanku ay dadka uga tagtay.
“Wixi ka
horeeyay 1972 dalku ma mideysneyn oo Engriis iyo Talyaani ayaa wax lagu qori
jiray laakin marki la dhaqan geliyay adeegsiga Af Soomaaliga dalku waxaa uu
noqday mid mideysan oo xor ka noqday afafki shisheeye ee wax lagu baran jiray
ama dowladdu ku shaqeyn jirtay “ ayuu yiri Prof. Cabdallah Mansuur.
Aamina Muuse
Weheliye oo ah saxafiyad caan ah, gabyaa iyo qoraa ayaa laba gabay oo midkood
ay iyadu sameysay halkaasi ka jeediyay kuwaasi oo aad u qiimo badnaa dadkuna ay
u bogeen.
Aamina oo isla
markaasi xubin ka ah AGA ayaa gabay ay ubixisay Madaxweyne waxaa uu ahaa mid
fariin caafimaad qabta u dirayay madaxweyne kasta oo ay Soomaalidu doorato,
waxaana ay si toos ah u cabirtay isbadalka laga doonayo ee ay bulshadu ka
sugayaan inta uu xilka hayo.
Sh. Axmed Jowhari
oo agaasime ka ah hay’ada Happy Marriage Academy ayaa sheegay in ka Soomaali
ahaan aynaan qiimeyn afkeena oo aan xoogga saarno afafka qalaad, waxaana uu
sheegay in ay taasi daliil u tahay in aysan buugaag Soomaali ah ku jirin
buugaagta aan dhigano maktabada guryaha.
Akadamiyadda
AGA ayaa sannad walba maammuus u sameysay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo
si dadweynaha Soomaaliyeed ay u ilaashadaan Afka oo ah hantida ugu weyn ee
dhaxal ahaan ay Soomaalidu ku faanikarto.
Inkasta oo
ay meesha ka maqantahay kaalintii Afku ku lahaa waxbarashada, cilmi barista iyo
howlaha dowladda haddaba AGA waxay isku xil qaantay in ugu yaraan dadweynaha
Soomaaliyeed la xusuusiyo in sannadkiiba mar maalinta Afka hooyo
Ayaanle
Xuseen Cabdi
London, UK
facebook.com/hanoolaato