Axad, Febraayo ,19, 2017 (HOL)- Wiil 12 jir ah oo ay
isku haysteen saddex qof ayaa maxkamadda gobolka Sool oo ay caawinayaan
maxkamada sare iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku dhawaaqeen cidda wiilkaaasi
dhashay oo loo xukumay.
Wiilkan ayaa loo xukumay hooyo
Itoobiyaan ah waxaana laga xukumay laba nin oo muwaadiniin ah, kuwaas oo muddo
dacwadoodu ka socotay magaaladda Laascaanood, haseyeeshee waxa maxkamadda gobolka Sool oo la kaashanaysa
Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa laga qaaday dhiiga hiddo sidaha ee
DNA-da looyaqaan oo loo diray Dibadda, waxaana boqolkiiba saqaashan Dhiiga
ilmaha yar isku dhiig noqdeen hooyo Muna Cabdikariim oo ah qaxootiga
Itoobiyaanka ah ee ku nool magaaladda Laascaanood.
“Dacwadaha qaar baa sayniska iyo
caafimaad u baahan oo waana inaad mar walba tiknoolajiyada la jaan qaadaa,
dacwadan waa tii labaad oo ah caruur la isku qabsaday, waxaana tii hore ka
dhacday magaaladda Ceerigaabo oo ay gaadhay in laba reer qoryaha isku qaataan,haseyeeshee
markii Dhiigii aanu baadhnay cidii lahayd la siiyey”ayuu yidhi Guddoomiyaha
maxkamada sare Aadan Xaaji Cali.
Gudoomiyaha maxkamadda sare ee
Somaliland oo sharaxaya dacwadan iyo
natiijaddii ka soo baxay ka soo baxday baadhitaanka dhiiga waxa uu yidhi “iIlmo
yar oo sadex qof isku haysteen, laba nin iyo hooyo ayaa isku haystay, oo mid
waliba lahaa aniga dhalay, dacwadu waxay ka furan tay degmadda Laascaanood,
shayga kaliya ee lagu kala saari karaana waa in la qaada saddexda waalid hiddo
sidahooga iyo ilmaha yar, DNA-da, dacwadani muddo socotay waxaana iska
kaashaday garsoorka gobolka Sool iyo
maxkamadda sare waxa isna na caawiyey oo aanu dirnay Cisbitaalka magaaladda
Hargeysa, dhiigii waa la diray maanta ayaa lagu dhawaaqay natiijadii dhakhtarka
ka soo baxay waxa DNA-dii sagaashan in ka badan soo saartay oo ilmihii isku
dhiig noqdeen hooyadan oo waliba ah hooyo qaxoontiga ah Itoobiya ka yimid dalka Jaarka nahay, labadda
kalena waa muwaadiniin reer Somaliland ah, cadaaladuna cid ma taqaano dhiigii la diray natiijadii ka soo baxday
cidii ay siisay uun baa la siiyey, ilmihii hooyadii ayaa gacanta laga galiyey”.
“Waa maalin cadaaladeed waa
maalin tii dhashay ku faraxsantahay, kii daba ordaayeyna samray”Guddoomiyaha
maxkamadda gobolka Sool Xasan Maxamed
Hooyaddan loo xukumay wiilka yar
oo magacooda la yidhaa Muna Cabdikariim oo ka hadlaysa xukunkan ilmaha loo
xukumay waxay tidhi “Maanta aad baan u faraxsanahay oo ismaan lahayn cadaalad
ayaa ka jirta, laakin maanta waxaan ogaaday inay Somaliland cadaaladdi ka
jirto, ilaahay waxaan uga rajaynaya inuu guul gaadho dawladda Somaliland sabab
ah anigoo wadanka u dhalan iyo niman wadaniyiin ah oo reer Somaliland ah ayaa ilmaha
isku haysanna dacwada ku wada jirnay aniga la ii xukumay marka cadaalad wanaagsan
ayaa ka jirta”ayey tidhi Muuna oo dareen farxad leh ku qaabilay natiijadda
xukunkii mudadda socday.
Dacwadan wiilka yar lagu kala
saaray cidda dhashay ayaa noqonaysa tii labaad ee lagu kala saaray qoysas
caruur isku haysatay, waxaanu gudoomiyaha Maxkamada sare sheegay in dacwadan
sidan oo kale ah wali ku jirto baadhitaanka Dhiiga hiddo sidaha oo sheegay
cidda ilmaha la isku haystaa dhashay.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.