3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Donald Trump oo difaacay siyaasadiisa la xiriirta socdaalka

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa difaacay guulaha ilaa iyo hadda uu gaaray maamulkiisa, asagoo xalay taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Florida.

Waxa uu dadkaasi isu soo baxay u sheegay in dareen rajo wanaag ah uu ka dhashay Maraykanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu fulinayo ballanqaadyadiisa ku aaddan dhaqaalaha iyo ammaanka.

Mr Trump ayaa marka kale si kulul u dhaliilay warbaahinta, asagoo ku eedeeyay in ay faafineyso warar been ah oo ay dan gaar ah ka leedahay.

Mar uu difaacayay amarkii uu Maraykanka kaga mamnuucayay dadka ka yimaada 7 dal oo Muslim ah, ayaa waxa uu yiri "Dalkeena uma rabno dad fekera xun wata."

Mr Trump ayaa intaa raaciyay in uu u tegay Florida si uu waqti ula qaato asxaabtiisa iyo dadkiisa.

Xigasho : BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/19/2017 2:03 PM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa booqday Isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho, oo manta la gaarsiiyay inta badan dadkii ku dhaawacmay qaraxii manta ka dhacay suuq ku yaalla degmadda wadajir ee gobolka Banaadir.

2/19/2017 10:50 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa u magacaabay Axmed Meyre Makaraan in uu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Shabeellaha dhexe.

2/19/2017 10:05 AM EST
Axad, Febraayo 19, 2017 [HOL]-Xaflad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa lagu qabtay Nairobi maanta.

2/19/2017 9:32 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen qarax sababay gaari ay saarnaayeen waxyaabo qarax oo ka dhacay, suuq yar oo aad u mashquul badan oo ku yeela degmadda wadajir ee gobolka Banaadir, salaadii duhur ka dib.

2/19/2017 9:18 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) - Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota gaar ahaan magaalooyinka mataanaha ah ayaa xalay waxay ay casho sharaf soo dhaween ah u sameeyeen Marwo Caasho Geele oo aheed Wasiirkii hore ee wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ee dowlad goboleedka Puntland.

2/19/2017 8:49 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, isagoo kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.


2/19/2017 7:59 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Taliyaha booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sh. Xasan Xaamud, ayaa manta tababar magaaladda muqdisho uga furay saraakiil xigeeno gaaraya 80,  kuwaasoo sanadihii la soo u dallacay Darajada Sarkaal ee Xiddigle.

2/19/2017 7:20 AM EST
Axad,Febraayo ,19 , 2017 (HOL) – Diyaarad Militari oo laga leeyahay wadanka Kuweyd, ayaa madaarka magaaladda Berbera keentay caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

2/19/2017 6:59 AM EST
Axad, Febraayo ,19, 2017 (HOL)- Wiil 12 jir ah oo ay isku haysteen saddex qof ayaa maxkamadda gobolka Sool oo ay caawinayaan maxkamada sare iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku dhawaaqeen cidda wiilkaaasi dhashay oo loo xukumay.

2/19/2017 6:48 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar looa deegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay goor dhaw lala eegtay Suuq ku yaala xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

2/19/2017 6:15 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Dadka Soomaaliladda waxaa ay isha ku hayaan qofka uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u xulan doono in uu noqdo Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya.

2/19/2017 6:14 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaaari xamuul ah goor dhaw uu ka dhacay xaafadda Kaawo Goday.

2/19/2017 3:43 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay shaacisay mowqifkooda ku aadan madaxweeynaha cusub ee dalka, ayagoo sheegay in hogaanka cusub ee uu dalku yeeshay uusan waxba kaga duwanayn madaxdii hore.

2/19/2017 3:20 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Galmudug iyo ciidamo Mareynkan ah saldhig ka sameynayaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

2/19/2017 2:37 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Iyadoo lagu waday maanta oo 19ka Bisha February in ay ka dhacdo magaaalada Cadaado doorashada xilka madaxweynaha maamulka, ayaa wararka halkaa ka imanaya waxaa ay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid.