5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2017
Kumanaan shaqaale Soomaaliyeed ah oo dalka Sacuudigu qaadanyo

Xaquuqda masawirkaan/aleqt.com


Isniin, Janaayo 02, 2017 (HOL)-Kumanaan shaqaale Soomaaliyeed ah oo dumar ah [khadaamooyin] ayaa waxaa qaadanaya dalka Sacuudiga.

Waxaa la sheegay in labada dawladood ee dalalka Soomaaliya iyo Sacuudigu arinkaa isku waafaqeen. Shaqaalahaa dumarka ah ayaa tiradoodu u dhexeysaa kun ilaa toban kun!

Xilliga soo socda ayaa la sheegay in kumanaankaa haweenka Soomaaliyeed ah ay u socdaali doonaan Sacuudiga arinkaa oo qaar ka tirsan warbaahinta Carabtu ay qortay.

Wada hadalo arinkaa kusaabsan ayaa muddo bilo ah soo socday arinkaa oo xasaasi ah Soomaalida dhexdeeda Soomaali badana ay ka biyo diideen.

Haatan ayaa dalalka kale ee Sacuudiga khadaamooyinka u dira waxaa kujira Philippines iyo Sri Lanka.  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]