4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 26, 2017
Weeraradii lagu hayay ajaaniibta kunool Koofur Afrika oo joogsaday

Axad, Febraayo 26, 2017 [HOL]-Weeraradii lagu hayay ajaaniibta kunool Koofur Afrika asbuucaan gaar ahaan caasimada Pretoria ayaa joogsaday.

Si kastaba ha ahaatee, ururada bulshada rayidka ah ee dalkaa ayaa ka cabsi qaba inay mar kale bilowdaan weeraradaasi.
 
Shisheeye nacaybkii ama nacaybka ka dhanka ah soo galootiga ayaa dib u soo labo kacleeyay asbuucii tagay mar kale ama dib uga bilowday Koofur Afrika-South Africa.

Weeraro iyo dibad baxyo Koofur Afirkaan ay wadeen ayaa socday ilaa Jimcihii. Biliiska dalkaa ayaa xabadaha cinjirka ah ku riday dibad baxeyaal caasimada dalkaa ee Pritoria.

Sidoo kale ayaa boolisku ku riday sunta dadka ka ilmeysiisa.  Rabshado iyo dagaalo u dhexeeyay soo galootiga Soomaalidu ku jirto ayaa ka socday Jimcihii caasimada Pretoria.
 
Soomaalida ayaa in badan badan lagu dilayay dalkaa ayadoo sanadkiiba lagu qiyaasay in ilaa 100 ruux oo Soomaali ah dalkaa lagu laayo.

Si kastaba ha ahaatee, haatan ayay Soomaalidu wacad ku martay inay is difaaci doonto hadii lasoo weeraro ayaga iyo hantidooda.
 
Koofur Afrikaanka ayaa hadba cudur daar u raadiya weerarada ka dhanka ah ajaaniibta gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Afrikaanka ah.
 
Waxay sheegaan inay qabtaan shaqooyin ay ayagu qaban lahaayeen iyo ganacsiyo ay ayagu ka shaqeysan lahaayeen.

Riwaayad kale ayaa sheegaysa in dadka reer Koofur Afrika aysan ayagu jecleyn inay shaqeystaan balse hadana ay ka maseyraan markii ay arkaan dad dadaalaya oo shaqeysanaya.

Muhaajiriinta iminka haatan sida ba'an ay Koofur Afrikaanku u bartilmaansanayaan ayaa waxaa Soomaalida ka sokow kujira Zimbabwean, Nigerian iyo Pakistani.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]