4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2017
Nin lagu dhex dilay masjid isagoo dhegeysanayay [Tabsiirka Qur’anka] Magaaladda Muqdisho

 

Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Koox hubeysan ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhex dileen masjid nin lagu magacaabo, Maxamed Cumar, oo horay u ahaan jiray Guddoomiye waaxeed la shaqeyn jiray maamulka degmadda Xamar-jajab.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu [ Cashar Tabsiir] uu ku dhex-dhegeysanyay masjid lagu magacaabo Bandhawow.

Dad joogay banaanka masjidka Bandhawow ee degmadda Xamar-jajab, ayaa sheegay in niman hubeysan oo cararaya ay arkeen kadib rasaas dhacday.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa degmadda ayaa howgallo xoogan caawa ka bilaabay degmadda iyagoona ku daba jooga kooxohii weerarkaasi geystay oo goobta isaga baxsaday.