4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2017
Kooxo Hubaysan oo weerar ku qaaday Bangi-ga Dowlad-da ee magaalada Bosaaso

/images/2017/Feb/

Sawirka Magaalada Bosaso.


Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Kooxo la tuhmayo in ay ka tirsan-yihiin ururada Somalia ka dagaalama ayaa galabta maqribkii weerar bambaano ku qaaday xarunta Bangi-ga ee Magaalada Bosaaso ,kaasi oo kamid ah xarumaha amnigooda sida weyn loo sugo.

Ilaa iyo hada ma cad-da khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo ahaa mid si weyn looga dareemay magaalada ,waxaana la maqli karayay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada ilaalada ka dib weerarka.

Goob-jooge ka ag dhawaa goobta oo dalbaday in aan magaciisa la soo xigan ayaa sheegay in dadka weerarka fuliyay ay ahaayeen labo qof oo dhalinyaro ah ,kuwaasi oo weerarka ka dib goobta isaga baxsaday.

Ciidamo fara badan ayaa la keenay Bang-iga la weeraray ,waxaana jira dhaawacyo aaan tiradooda la hayn oo la geeyay cisbitaalka guud ee Bosaaso ,iyadoo ciidamada amniga ay diideen in gudaha loo galo isbitaalka.

Ilaa iyo hadda ma jirto kooxo si rasmi ah weerarkan u sheegatay ,waxaana saraakiil ka tirsan laamaha amniga Bosaso oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen in ay faah-faahin ka bixiyaan weerarkan oo kamid noqonaya kuwa is-daba joog ah oo magaalada ka dhacayay bilihii la soo dhaafay 

Ugu danbayn, Weerarkan ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo maanta uu magaalada Bosaaso soo gaaray madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ,kaasi oo magaalada Muqdisho kaga soo qayb-galay caleema saarkii  madaxweyne Maxamed C/laahi  Farmaajo. 

Faysal M. Hassan 
[email protected]