4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2017
Nabadsugidda Gobolka Gedo oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isu soo dhiibay


Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Laanta nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ee gobolka Gedo ayaa degmada Baladxaawo kusoo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ay sheegeen in uu isa soo dhiibay.

Masuuliyiinta nabadsugidda ayaa sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu kamid ahaa taliyeyaasha ciidamada Al-shabaab ee ka howlgala qeybo ka tirsan gobolka Gedo.

C/weli Salaad Cabdulle oo ah nin dhalinyaro ah sheegayna ina isa soo dhiibay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kamid ahaa taliyeyaasha ciidamada Xizbada ee Al-shabaab, islamarkaana uu ka howlgeli jiray deegaanada hoostaga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Taliyaha nabadsugidda gobolka Gedo Cali Abshir Xasan Deer oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sargaalkan uu uu xiriir lasoo sameeyay, kuna soo wargeliyay in uu kasoo goosanayo Al-shabaab, isagoo xusay in ay soo dhaweeyeen, islamarkaana uu u sheegay in uu ka faa'iideysanayo isbadalka cusub ee dalka ka dhacay.

Dhinaca kale, ciidamada nabadsugidda ayaa isla goobta kusoo bandhigay Miino nooca Mobile-ka laga hago ah oo ay sheegeen in ay kasoo saareen goob ay dadweeynaha isugu yimaadaan, islamarkaana ay ka daawan jireen munaasibadaha waaweyn ee ka dhaca dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.