4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2017
Aabo iyo labo Carruur uu dhalay ayaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Gobolka Galgaduud

Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Tuulo lagu magacaabo Keyn ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay.

Ugu yaraan 11 ruux ayaa todobaadkaan Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday deegaanka, sida uu sheegay Ugaas Salaad Ugaas Maxamed Ugaas Rooble oo ka mid ah odayaasha deegaanka.

Xaaladda Abaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ay mareysaa meeshii ugu xumeyd, waxaana bishii lasoo dhaafay lasoo warinayay in dadka qaar ay is-daldalayeen, kadib, markii ay xoolihii ay lahaayeen ay abaarta dartee u-geeryoodeen.

QM, ayaa dhawaan waxaa ay ka deyrisay xaaladda Abaarta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Gudigga Abaaraha Soomaaliya waxa ay dhawaan sheegeen in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in dadka walaalahooda ay ay caawimaad lasoo gaaraan.

Hassan Istiila

[email protected]