3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2017
Dibadbax lagu taageerayo Raisulwasaaraha cusub oo manta ka dhacay muqdisho

 

Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Dibadbax lagu taagerayo Raisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,  ayaa manta waxaa uu ka dhacay Taalada Daljirka-Dahsan ee magaaladda Muqdishu.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeyb-galay duqa magaaladda Muqdishu, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaano iyo odaydhaqameedyo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay taageersanyihiin madaxweynaha go’aanka uu ku doortay Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Xildhibaan Duniyo, oo qeyb ka ahayd Banaanbaxa ayaa ka codsatay Baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan Mudane Xasan Khayre.

Waa banaanbixii ugu horeeyay ee lagu taageerayo Mudane Xasan Khayre oo ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Hassan Istiila

[email protected]













Click here

2/24/2017 12:53 PM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Kooxo la tuhmayo in ay ka tirsan-yihiin ururada Somalia ka dagaalama ayaa galabta maqribkii weerar bambaano ku qaaday xarunta Bangi-ga ee Magaalada Bosaaso ,kaasi oo kamid ah xarumaha amnigooda sida weyn loo sugo.

2/24/2017 11:28 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Laanta nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ee gobolka Gedo ayaa degmada Baladxaawo kusoo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ay sheegeen in uu isa soo dhiibay.

2/24/2017 10:09 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa la kulmay safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.

2/24/2017 9:51 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Tuulo lagu magacaabo Keyn ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabe iyo laba carruur ah oo dhalay.

2/24/2017 9:35 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Ugu yaraan saddex ruux oo la sheegay in ay Miino ku aasayeen dhulka ayaa geeryooday, kadib markii ay ku qaraxday qaraxii ay aasayeen.

2/24/2017 6:15 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Kenya Axmed Isxaaq Xassan ayaa la-taliye dhanka doorashooyinka ah ka noqday Soomaaliya.

2/24/2017 5:09 AM EST
Jimco, Febraayo ,24, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay ku fashilantay go’aankii ay ku doonaysay inay wax kaga qabato sicir bararka, isla markaana kor loogu qaadayey shilling Somaliland oo hoos u dhac weyni ku dhacay baryahan dambe.

2/24/2017 4:54 AM EST
Jimco, Febraayo ,24, 2017 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa Somaliland ku wareejiyey 18 baabuur oo nooca isjiidka ah oo caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan bariga Somaliland.

2/24/2017 4:18 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Ilhaan Cumar, gabadha ah xildhibaanada maxaliga ah ee golaha Minnesota ayaa farriin u dirtay Trump.

2/24/2017 3:45 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Raisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa Sheekh Cabdullaahi bin Naasir bin Khaliifa al-Thani ayaa hambalyo u soo diray raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xilka loo magacaabay shalay awgii.