4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2017
Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Kenya oo la-taliye dhanka doorashooyinka ah ka noqday Soomaaliya

 

Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Kenya Axmed Isxaaq Xassan ayaa la-taliye dhanka doorashooyinka ah ka noqday Soomaaliya.

20kii bishii hore ayuu xilka guddoomiye cusub ku wareejiyay waa xilkiisii guddoomiye ee uu ka hayay guddiga doorashooyinka ee IEBC. Jimcaha maanta ah ayaa wararku nagu soo gaarayaan inuu ka dagay Muqdisho halkaa oo uu ka noqday la-taliye sare oo dhanka doorashooyinka ah.

Guddiga doorashooyinka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu sidaa ula shaqeeyo.

Boggiisa facebook ayuu ku shaaciyay safarkiisa Muqdisho kadib markii uu xilkii uu ka haayay IEBC uu wareejiyay.

Wuxuu soo qoray inuu dhanka qorshaha istaraatiijiyadaha u qaabilsanaan doono guddiga doorashada ee Soomaaliya uuna buugaag lagu shaqeeyo u qori doono.

Doorashadii sanadkii 2013 ee dalka Kenya ayaa uu horseeday Axmed Isxaaq Xassan inay si nabad ah ku dhammaato.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]