3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2017
Xukuumadda Somaliland oo ku fashilantay inay kaga dhabayso go’aankii ay ku tayeynaysay shilling-Somaliland

 

Jimco, Febraayo ,24, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay ku fashilantay go’aankii ay ku doonaysay inay wax kaga qabato sicir bararka, isla markaana kor loogu qaadayey shilling Somaliland oo hoos u dhac weyni ku dhacay baryahan dambe.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa guddi u magacaabay inay wax ka qabato sicir bararka iyo qiimo jabka ku yimid Shiling Somaliland, waxaanay guddidaasi oo wasiiro ka kooban iyo madaxweynuhu ka soo saareen go’aamo ay wax kaga qabanayaan qiimo jabka Shiling-KA Somaliland, waxaana qodobka ugu muhiimsan ee shacabka soo dhoweeyey ugu horeeyey in gabi ahaanba la joojiyo wixii boqol doolar ka yar isticmaalka lacagta Mobile-ka lagu shubto oo loo bedelo shilling-ka..

Inkastoo maalintii ay go’aanka ka soo saartay inay gabi ahaanba la joojinayo lacagta Mobiladda lagu shubto oo loo bedelayo boqol doolar wixii ka yar in shilling SOmaliland laga dhigo uu markiiba dolllarkii kacsanaa uu jabay, maadaama oo dadkii moobiladda lacagta ugu jireen kala wada baxeen, isla markaana lacagtii mobilada lagu haystay uu suuqa soo galay taas oo dadku u arkayeen inay jabiyeen dollar.

Haseyeeshee, muddo ka dib markii shirkadihii adeegan lacagta Mobile lagu shubta lahaa ka cago jiideen inay fuliyaan go’aankii xukuumadda ka soo baxay, isla markaana ku doodeen in wakhtiga la siiyey oo ahaa 48 saacadood inay ku bedelaan shilling Somaliland ay sheegeen in aanay suuragal ahayn in lagaga gaadhsiin karo, taas bedelkeedana ay xukuuumadda ka dalbadeen in wakhti la siiyo, taasina waxay keentay in guddi loo saaro wakhtiga ugu haboon ee lacagtaasi lagaga dhigi karo shilingka wadanka laga isticmaalo.

Guddidii xukuumaddu soo saartay guddi farsamo oo aqoon u leh IT-ga oo saddex qof ka koobnaa , haseyeeshee guddidiid farsamo wali kama soo saariin wakhtiga lacagta Doollar lagu bedeli karo Shiling Somaliland, dadka badankoodda oo markii hore soo dhoweeyey go’aanka xukkuumada ayaa imika aaminsan in aanay xukuumaddu go’aankeedda fulin Karin,maadaama oo hore loo arkay guddiyo uu madaxweynuhu magacaabo oo hal bacaad lagu lisay noqday oo halkii laga soo qaadin.

“markii xukuumaddu go’aan ka soo saartay in wadan waliba lacagtiisa ayuu wadankiisa dhexdiisa u isticmaalaaye in lacagta Mobiladda ee Zaadka iyo EDahabkaba loogu bedelli Shiling SOmaliand dadweynuhu aad bay usoo dhoweeyeen,laakiin waxa go’aankaasi dhabarka ka jabiyey kii dambe guddiga loo saaray taas oo dadku ka niyad jabeen”ayuu yidhi Mawliid Maxamed oo ka mid ah dadkii sida weyn usoo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha markii hore.

“shirkaduhu may jeclayn go’aankan madaxweynaha ka soo baxay oo waxay maalmahaasi bilaabeen waji ku macaash ay soo abaabuleen oo odayaal u hadlayey shirkadaha, ka dib waa kii laga noqday taas ayaa dadkii niyad jabisay”ayuu yidhi Xasan Cali oo ka mid ah dhalinyaradda Somaliland.

Fu’aad Xasan Nuur oo isna ka mid ah aqoonyahanka Somaliland oo arirntaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “go’aankii xukuumada ka soo baxay waxay ahayd mid loo baahnaa, laakiin inay ka noqoto may ahayn, taasina waa ta keentay inuu wali sicir bararkii lacagtu jiro oo lacagtii halkeedii ka noqotay”.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u horeeyey mooyee hadda sicir bararkii lacagtu halkiisii ayuu ku noqday, waxaanu hadda marayaa in boqolka doolar lagugu sarifo sideeed boqol iyo labaatan kun SHSL, halka gacantii dambe aan la helinoo suuq madow gashay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here

2/24/2017 12:53 PM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Kooxo la tuhmayo in ay ka tirsan-yihiin ururada Somalia ka dagaalama ayaa galabta maqribkii weerar bambaano ku qaaday xarunta Bangi-ga ee Magaalada Bosaaso ,kaasi oo kamid ah xarumaha amnigooda sida weyn loo sugo.

2/24/2017 11:28 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Laanta nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ee gobolka Gedo ayaa degmada Baladxaawo kusoo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ay sheegeen in uu isa soo dhiibay.

2/24/2017 10:09 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa la kulmay safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.

2/24/2017 9:51 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Tuulo lagu magacaabo Keyn ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabe iyo laba carruur ah oo dhalay.

2/24/2017 9:35 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]- Ugu yaraan saddex ruux oo la sheegay in ay Miino ku aasayeen dhulka ayaa geeryooday, kadib markii ay ku qaraxday qaraxii ay aasayeen.


2/24/2017 6:15 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Kenya Axmed Isxaaq Xassan ayaa la-taliye dhanka doorashooyinka ah ka noqday Soomaaliya.

2/24/2017 4:54 AM EST
Jimco, Febraayo ,24, 2017 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa Somaliland ku wareejiyey 18 baabuur oo nooca isjiidka ah oo caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan bariga Somaliland.

2/24/2017 4:18 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Ilhaan Cumar, gabadha ah xildhibaanada maxaliga ah ee golaha Minnesota ayaa farriin u dirtay Trump.

2/24/2017 3:45 AM EST
Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Raisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa Sheekh Cabdullaahi bin Naasir bin Khaliifa al-Thani ayaa hambalyo u soo diray raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xilka loo magacaabay shalay awgii.