4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2017
Dawladda Itoobiya oo 18 gaari oo mucaawimooyin cunto ka kooban ugu deeqday Abaaraha Somaliland ka jira


Jimco, Febraayo ,24, 2017 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa Somaliland ku wareejiyey 18 baabuur oo nooca isjiidka ah oo caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan bariga Somaliland.

Raashinkan ayaa ka koobnaa 72 kun oo tan, waxaanay sheegtay inay Itoobiya inay kala qaybqaadanayso gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ee ku dhaqan Somaliland.

Raashinkan ayaa iskugu jira Saddex kun oo tan oo Sarreen ah, Toban kun oo tan oo Bariis ah, Boqol tan oo Buskut nafaqeysan ah, Caano, Daqiiq Iyo Noocyo kale oo Raashin ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa caawimaddan kula wareegay munaasibad lagu qabtay magaalo xuduudeedka Tog-wajaale, waxaana ka soo qaybgalay wasiirudawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland, guddida heer qaran ee abaaraha iyo guddida heer gobol ee abaara.

“Waxaanu wadna caawimo aanu ugu tallogalnay inaaanu kaga qaybqaadano gurmadka loogu jiro abaaraha ka dhacay Somalilad, waxa labadda dalba ka jira abaaro, laakiin waxaanu nahay laba wadan oo daris ah oo ka wada shaqeeya amniga, ganacsiga iyo isku socodka bulshadda,sidaas darteed ayaanu caawimaddan idinku deeqnay”ayuu yidhi safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ku leeyihiin Itoobiya oo raashinkan ku wareejiyey Somaliland.

“Itoobiya mar walba waxay garab-taagan tahay Somaliland, xilliyadda adag, iyo marka caqabadahu la soo gudboonaadaan.xidhiidhkan aan wadaagno Somaliland waa mid qoto-dheer oo cad,” ayuu yidhi Mr. Ageze Amelo oo caawimadan ku wareejinayey Somaliland.

“halkan waxaan kula wareegayaa mucaawimo ay inagu caawiyeen walaalaheena Itoobiya , isku dad baanu nahay oo dadkeenii labaddii dhinacba way degan yihiin, abaaruhuna labadda dhinac way jiraan, marka xidhiidh badan baa inaga dhexeeya”ayuu yidhi wasiirudawlaha Arrimaha Dibadda Maxamed Mixiled Boqorle

Sidoo kale, waxa iyaguan ka hadlay guddida heer gobol iyo heer qaran oo soo dhoweeyey caawimadda ka soo gaadhay Dalka Itoobiya.

Abaaraha Somaliland ka jira ayaa ah kuwo ka sii daraya, waxaana laga dayrinayaa dad iyo duunyaba inay sahayato abaartan oo gaadhay heer geelliii gaajo iyo macaluul u dhintaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.