4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2017
Raisul wasaaraha Qatar oo hambalyo u soo diray raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Jimco, Febraayo 24, 2017 [HOL]-Raisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa Sheekh Cabdullaahi bin Naasir bin Khaliifa al-Thani ayaa hambalyo u soo diray raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xilka loo magacaabay shalay awgii.

Dawlada Qatar ayaa sidoo kale ergay usoo dirtay xafladii caleemo saarka ee dhawaan lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xafladaa madaxda dalal kale gaar ahaan kuwa jaarka la ah Soomaaliya.

Dalalka Qatar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah waxayna labada dalba ka wada tirsan yihiin Jaamacada Carabta.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]