4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Dhowr qof oo lagu dilay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

 

Dadka deegaanka ah ee Gaarisa qaar ka tirsan oo sida meydadka/Masawirka/Nation


Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Ilaa 3 qof ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Burcad ku hubeysneyd mindiyo ayaa dadkaa ku dishay hoteel ka mid ah hoteelada magaaladaa. Dadka la dilay ayaa ka tirsanaa shaqaalaha hoteelkaa.

Burcadii ayaa goobtaa ka baxsatay ayadoon wax hanti ama lacag ah qaadan.

Booliska magaalada Gaarisa ayaa iminka wada baaritaan la xiriira sidii loo soo qaban lahaa dadkii dilay shaqaalahaasi hoteelkaa ka shaqeynayay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]