4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo U Hambalyeeyay Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre iyo ku xigeenadiisa, xubnaha golaha wakiilada Hirshabeelle, Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka iyo Guud ahaan shacabka Reer Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ee uu Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay xilkaasi.

"Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle waxay si weyn ugu hambalyeyneysaa Ra’isul wasaaraha cusub oo ay aaminsan tahay in uu yahay shaqsi aqoonyahan ah oo dalka u horseedi kara nabad iyo xasilooni, waxaana Allah ugaga baryeynaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay” Ayuu Yiri Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

“Anigoo  marka hore ka faa’idaysanaya  fursadani waxaan hambalyo u dirayaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, waxaan sidoo kale ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan inay u soo duceeyaan, oo garab istaagaan madaxdooda, niyadana u dhisaan, Baarlamaankana waxaan ka codsanaynaa in ay ansixiyaan ra’iisul wasaaraha si uu u sii wado howlaha horyaala.”. ayuu sii raaciyay Hadalkiisa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble oo sii hadlay ayaa ammaan balaaran u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay shakhsi wadani ah, ayna ka go an tahay in dalka uu gaarsiiyo nabad iyo hormar waara.

"Waxaan umadda Soomaaliyeed aan ku boorinayaa in sida ay u taageereen dowladani cusub ay u taageeraan si aan u soo ceshano karaamada aan ku lahayn caalamka'. Sidaa ayuu yiri.

Wuxuu ballan qaaday Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble in maamulka Hirshabeelle uu taageeri doono mar walba dowlada qaran ee cusub ee Soomaaliya lana shaqeyn doono.