4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Shaqaale ka tirsanaa hay’adda Save The Children oo lagu afduubtay gobolka Hiiraan

 Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL) – Ilaa saddex ruux oo ka tirsanaa shaqaallaha hay’adda Save the Children iyo darawalkii gaariga u waday ayaa maanta laga afduubtay deegaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Baledweyne.

Shaqaalaha la afduubtay oo dhamaantood Soomaali ahaa ayaan la ogeyn cid dhab ahaan la ogeyn cid ka danbeysay afduubkooda, hasse ahaatee deegaanka lagu afduubtay oo 10km u jira magaalada Beledweyne waxaa gacanta ku haya kooxda Al-shabaab.

Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay howl samafal ah, waxaana ay ka qeybinayeen cuntada loo isticmaalo nafaqo darida.

Ugu danbeyntii, saraakiil hay’adda ka tirsan oo VOA la hadashay waa ay diideen in ay wax war ah ka bixiyaan dhacdadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]