4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2017
Maxaad ka taqanaa taariiqda Raisulwasaaraha cusub ee Somalia ?

 

Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL)-Xasan Cali Khayre, ayaa loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxaa uu kusoo nolol-qaatay dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Norway iyo Ingiriis-ka.

Waxaana uu heysta dhalashada dalka Norway.

Raisalwasaaraha cusub, waxaa uu kasoo shaqeeyay, samafalka, cilmibaarista iyo ganacsiga.

Taariiqdiisa:-

Xasan Cali Khayre, waxaa uu ku dhashay dalka Soomaaliya sanadkii 1967-dii. Waxaa uu waxbarashadiisa dhinaca school-ka uu kaga baxay magaaladda Muqdishu.

jaamacadda University of Oslo, ayuu ka baxay intii u-dhexeysay 1994-98, waxaa uuna ka diyaariyay darajada 1aad ee Cilmiga Siyaasadda iyo Sociology. Darajada 2aad ee Master-ka  ayuu ka qaatay  MBA Jaamacadda Edingbourought ee dalka Scotland sanadkii 2001.

Waxaa uu soo noqday shaqsi si weyn ugu dhaq-dhaqaaqa bulshada magaaladda Oslo, isagoona dhinaca kale lasoo shaqeeyay “Somali Student Association” iyo Foreign Union Student Movement ee magaaladda Oslo. 

Xasan Khayre, waxaa uu lasoo shaqeeyay maamulka Magaaladda Oslo.

Markii uu Xasan helay shahaadadda MBA, waxaa uu bilaabay in uu la shaqeeyo hey’adda NRC, waxaana uu noqda shaqsi ka shaqeeya gar-gaar-ka.

Intii u-dhexeysay sanadadii 2002-2005, waxaa u ka shaqeynayay dhinca ganacsiga, sandkii 2006 waxaa  uu u-shaqeynayaya sida maamule isla sanadkaasi waxaa uu noqday Agaasimaha Xaafiisyadda Soomaaliya iyo Kenya , iyo Agaasimaha Geeska Afrika .

Mudo 10 sano ah ayuu kasoo shaqeynayay arrimaha gar-gaarka, waxaana si toos ah uu ugu lug lahaa cilmibaarista, waxaana uu doortay in uu hogaamiyo ka shaqeynta abaaraha Soomaaliya.

2013 ayaa waxaa uu kasoo shaqeeyay shirkadda Soma Oil and Gas.

Xasan Cali Khayre, ma ahan shaqsi ideologue-ah. Sidoo kale waxaa uu yahay qof fakarkiisa uu aad u-ballaaranyahay. 

Xasan, waxaa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, English-ka iyo Norwegian-ka iyo xogaa Arabic ah.

Xasan Cali Khayre, waa Aabe heysta laba wiil iyo hal gabar ah.

Kooxda Monitoring Group, ee Qaramada Midoobe u-qaabilsan cuna-qabateyta wadamada Somalia iyo Ereteria ayaa sheegtay sanadkii 2014-kii in Xasan Cali Kheyre uu Xiriir dhow la leeyahay Xarakadda Alshabaab inkasoo ay markii dambe sheegeen in warbixintii ay soo saareen aysan waxba ka jirin, ayna raaligalin ay ka bixiyeen.

Mudane Xasan,  waxaa uu ku cusub yahay siyaasadda Soomaaliya, waxaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumadda marka Baarlamaanka ay ansixiyaan isaga.Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku sheegay sababtii uu u doortay in Xasan uu noqday Raisulwasaare ay tahay in uu u arkay in ay wada shaqeyn karaan.

Hassan Istiila

[email protected]