4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Dalka Ingiriiska oo ugu yaboohay qarash dheeraad ah dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan

Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Dawlada dalka Ingiriiska ayaa ugu yaboohday qarash dheeraad ah dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan.

Dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan ayaa iminka waxaa ka jira abaaro ba'an kuwaasoo dadka iyo duunyadaba faro kulul ku haya. Qeybo ka tirsan Koofur Suudaan ayaa durbo macaluul iyo majaaco badan laga soo tebinayaa.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dad badani wajahayaan macaluul iyo nafaqo darro baahsan gaar ahaan carruurta iyo duqeyda.

Shalay ayaa dawlada dalkaasi Ingiriisku ugu yaboohday dalalkaa labada ah ee Koofur Suudaan iyo Soomaaliya ilaa $125m midkiiba.

Qarashkaa ayaa abaarta saameynteeda loo meel dhigayaa in wax looga qabto sanadkaan 2017 ilaa sanadka soo socda ee 2018.

Waxaa qarashkaa uu dheeraad ku yahay cawimaad gargaar oo Ingiriisku dalalkaa ka wado asaga iyo dawladaha dalal kale iyo weliba deeqbixiyeyaasha caalamka.

Dhan kale, QM ayaa codsatay $5.6b oo abaarta Soomaaliya iyo dalal kale wax looga qabto.

Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa shalay codsaday lacagtaa. Wuxuu Antonio sheegay in dagdag loogu baahan yahay qarashkaa.

Wuxuu Antonio weliba intaa raaciyay in $4.4 oo qarashkaa ka mid ah loo baahan yahay in la helo inta lagu jiro bisha soo socota ee Maarso.

Dalalkaa qarashka loo rabo ayaa kala ah Soomaaliya, Nigeria, Yemen iyo Koofur Suudaan.

Dalalkaa ayaa isku dar waxaa abaar iyo colaado saameeyeen dad tiro dhan 20m.

Dalalkaa ayaa iminka dadkaa kunooli qarka u saaran yihiin majaaco ba'an ama macaluul baahsan.

'Hadii aanu hada tillaabo qaadin wax looga qabanaayo dhibaatada waxaa ay saameyn doontaa meelo kale iyo dalal kale'.  Antonio Guterres ayaa sidaa yiri shalay.

Ilaa 260 kun oo qof ayaa la sheegay inay macaluul ugu dhinteen gudaha Soomaaliya sanadkii 2011.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]