4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Labo qof oo burcad Soomaali loo maleeyay ay ku dishay Mwingi, Kenya

Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Burcad loo maleeyay Soomaali inay tahay ayaa labo qof  ku dishay Mwingi oo ka tirsan Kenya sida barta wararka ee  Hiiraan Online ay ka soo xigatay wargeyska The Star ee kasoo baxa caasimada Kenya ee Nairobi.

Dhacdadaa ayaa dhacday shalay galinkii hore. Booliska ayaa intaa kadib la sheegay in burcadii uu eryaday oo dabada uga dhacay.

Xiisad ka dhalatay arinkaa ayaa shalay ka taagneyd deegaankaa.

Shan neef oo geel ah ayaa dad careysani ku dileen baangado dhowr gurina waxaa la qabadsiiyay dab.

'Askar boolis ah oo badan ayaa la geeyay deegaankaa si sharciga iyo kala dambeynta loo soo cesho loona dhowro'. Sidaa ayaa waxaa yiri sargaal booliska ka tirsan.

Dhan kale, laga soo bilaabo bishii Diseembar ee kal hore lix qof ayaa deegaankaa lagu dilay kadib markii dhul daaqsin lagu murmay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]