3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Kenya oo sheegtay inay taageersan tahay madaxweyne Farmaajo iyo dawlada cusub ee loo dhisayo Soomaaliya

Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Caleemo saarkii shalay ee madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay mandaqada Geeska Afrika sida madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaa sidoo kale joogay oo xaadir ku ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, raisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madax kale oo badan. Waxay muujiyeen dhammaantood inay taageerayaan madaxweynaha cusub iyo dawlada aadka loo taageersan yahay ee la yegleeli doono dhawaan.

Madaxdaa ayaa joogitaankooda xaflada caleema saarku ahaa inay ka dhigan tahay ayidaad ah in Soomaaliya iminka ay bilowday kasoo kabashada dagaalkii sokeeye ee soo bilowday 1991.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dawlada cusub ee Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo uu taageersan yahay dawlada Kenyana ay taageersan tahay.

Wuxuu Uhuru intaa raaciyay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Kenya iyo Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/23/2017 1:09 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL) - Madaxwaynaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu caasumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis Aala Sucuud.

2/23/2017 10:19 AM EST
Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Ilaa 3 qof ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

2/23/2017 9:45 AM EST
Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre iyo ku xigeenadiisa, xubnaha golaha wakiilada Hirshabeelle, Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka iyo Guud ahaan shacabka Reer Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ee uu Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay xilkaasi.

2/23/2017 9:42 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL) – Ilaa saddex ruux oo ka tirsanaa shaqaallaha hay’adda Save the Children iyo darawalkii gaariga u waday ayaa maanta laga afduubtay deegaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Baledweyne.

2/23/2017 8:56 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL) 0War-saxaafadeed ka so baxay Madaxtooyada Puntland ayaa logu so dhaweeyay R/wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xassan cali kheyre oo maanta u magacaabey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay dhawaan doorten Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

2/23/2017 8:51 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL)-Bangiga Amal ayaa Maanta Garowe ka daahfuray wajigii labaad ee mashruuc lagu maalgalinayo gacanasatada yar-yar oo ay ku baxayso $400,000 oo dollar oo u kala bar u dayn han u bixinayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

2/23/2017 6:37 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 23, 2017 (HOL)-Xasan Cali Khayre, ayaa loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxaa uu kusoo nolol-qaatay dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Norway iyo Ingiriis-ka. Waxaana uu heysta dhalashada dalka Norway.

2/23/2017 3:48 AM EST
Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Dawlada dalka Ingiriiska ayaa ugu yaboohday qarash dheeraad ah dalalka Soomaaliya iyo Koofur Suudaan.

2/23/2017 3:31 AM EST
Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Burcad loo maleeyay Soomaali inay tahay ayaa labo qof ku dishay Mwingi oo ka tirsan Kenya sida barta wararka ee Hiiraan Online ay ka soo xigatay wargeyska The Star ee kasoo baxa caasimada Kenya ee Nairobi.

2/23/2017 3:16 AM EST
Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Xafladii caaleemo saarkiisa ee shalay ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu ugu baaqay xubnaha al-Shabaab inay isasoo dhiibaan.

2/23/2017 2:48 AM EST
Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-QM ayaa codsatay $5.6b oo abaarta Soomaaliya iyo dalal kale wax looga qabto.

2/23/2017 2:32 AM EST
Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Suuq loogu magac daray madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa laga furay Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ee Soomaalidu ku ganacsato.


2/23/2017 12:04 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Ra’isulwasaaraha dowladda Soomaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.