4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
QM oo codsatay $5.6b oo abaarta Soomaaliya wax looga qabto

Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-QM ayaa codsatay $5.6b oo abaarta Soomaaliya iyo dalal kale wax looga qabto.

Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa shalay codsaday lacagtaa. Wuxuu Antonio sheegay in dagdag loogu baahan yahay qarashkaa.

Wuxuu Antonio weliba intaa raaciyay in $4.4 qarashkaa ka mid ah loo baahan yahay in la helo inta lagu jiro bisha soo socota ee Maarso.

Dalalkaa qarashka loo rabo ayaa kala ah Soomaaliya, Nigeria, Yemen iyo Koofur Suudaan.

Dalalkaa ayaa isku dar waxaa abaar iyo colaado saameeyeen dad tiro dhan 20 m.

Dalalkaa ayaa iminka dadkaa kunooli qarka u saaran yihiin majaaco ba'an ama macaluul baahsan.

Wararka qaar ayaaba sheegaya in macaluuli mar horeba ka dillaacday meelaha qaar dalkaasi Koofur Suudaan.

'Hadii aanu hada tillaabo qaadin wax looga qabanaayo dhibaatada waxaa ay saameyn doontaa meelo kale iyo dalal kale'.  Antonio Guterres ayaa sidaa yiri shalay.

Ilaa 260 kun oo qof ayaa la sheegay inay macaluul ugu dhinteen gudaha Soomaaliya sanadkii 2011.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]