4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 23, 2017
Suuq loogu magac daray Farmaajo oo laga furay Nairobi

Khamiis, Febraayo 23, 2017 [HOL]-Suuq loogu magac daray madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa laga furay Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ee Soomaalidu ku ganacsato.

Suuqa ayaa magaciisa loo bixiyay 'FARMAAJO'. Mulkiileyaasha suuqaa ayaa warbaahinta u sheegay in ay magacaa u doorteen suuqooda maadaama Farmaajo ay u arkaan madaxweyne shakhsiyad wanaagsan leh oo shacbiyad muddo gaaban ku kasbaday.

Horay ayaa suuqyo madaxweyneyaal iyo dad kale oo caan ah loogu magac daray looga furay xaafada Islii sida Erdogan iyo Obama.

Sidoo kale ayaa waxaa isla xaafada Islii looga furay oo hada oo aanu warbixintaan qoreynaba shaqeynaya suuq lagu magacaabo Turkey kaasoo Soomaali ay furtay ayagoo ka dheehanaya wanaagii Turkiyiintu u qabteen Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Xaafada Islii
Nairobi, Kenya.
[email protected]