4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2017
Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle oo Madaxda Somaliyeed la Dar-daarmay ,uguna baaqay isku-duubni

/images/2017/Feb/

Arbaco, Feberaayo, 22, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo kamid ahaa madax Afrikaan ah oo maanta ka soo qayb-galay munaasabad-dii caleema saarka madaxeyne Farmaajo ayaa khudbad dar-daaran u badnayd ka jeediyay munaasbad-dii caleema saarka ee madaxweynaha cusub.

“Maanta 120 dowladood iyo wax ka badan ayaa halkani isugu yimid ,waxa ay muujinaysa halka ay maanta Soomaaliya joogto ,waxa ay tusaysaa sida loogu han-weyn-yahay ,waxa ay tusaysaa in dowlad sharaf iyo cisi ku leh dunida in aad tihiin “ ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti oo si weyn loogu sacab tumay ka hor intii uusan hadalka bilaabin.

“Waxaan halkan u nimid in aan idin soo gaarsiino hambalyo aan idin kaga sidno shacabka walaalihiin ah ee Jabuuti iyo in aan u hambalyayno madaxweynaha cusub ee Somalia “ ayuu mar kale yiri madaxweyne Ismaaciil oo khudbad qiima leh ka jeediyay munaasabad-da.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in ammaan uu mudan-yahay madaxweynaha talada baneeyay ee Xasan Shiekh Maxamuud ,kaasi oo madaxdii ka hadashay goobta ay ku amaaneen kaalintii uu ka qaatay in Somalia ay ka dhacdo doorasho nabad ah.

“Walaalayaal waxa aanu sidnaa waxaa weeyeen Gal-gacal iyo walaalnimo ,waxaanu sidna in aanu niraahno agtiina ayaanu joognaa sidii awal aanu joognay ayaana u sii joogi doonaa ,madaxweynaha cusub-na waxaanu doonaynaa in aan si gaar ah ula garab taagnaano wixii aan ku dhaan-no”  ayaa kamid ahaa hadaladii Geelle.

Waxa uu  sheegay in Jabuuti ay jecel-yihiin in ay arkaan Somaliya oo iyada nafteeda heshiis la ah ,isaga oo sidoo kale sheegay in ay danaynayaan Somalia oo qabsata kaalintii kaga aadanayd gobolka iyo waliba caalamka.

“Waxaanu jecel-nahay in dadweynaha aanu ku niraahno walaalahayow howsha ninkaa hortaala  tu yar maaha ,marka waa inaad ku garab gashaan mar kasta iyo mashaakil kasta oo yimaada” ayuu mar kale xusay Geelle.


Ugu danbayn , Madaxdii ka soo qayb-gashay caleema saarka madaxweynaha waxaa kamid ahaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya , madaxweynaha Kenya iyo inta badan madax ka socotay beesha caalamka ,kuwaasi oo taageero u muujiyay madaxweynaha cusub.

Faysal M. Hassan
[email protected]