4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2017
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya : Waan la shaqeyneynaa dowladda cusub ee Soomaaliya

 Arbaco, Feberaayo, 22, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka mid ahaa wafuudii caalamka ee maanta ka qeyb-gashay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaa kaloo uu khudbadiisa ku sheegay in uu jecel yahay mar walba in labada dowladood Soomaaliya iyo Itoobiya ka wada shaqeeyaan xasiloonida iyo nabad-galyada guud ahaanba wadamada gobolka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxda Soomaalida ay taariikh weyn dhigeen, waxaa uu ka hadlay in Soomaalida uun ay go’aan ka gaari lahaa mustaqbalkooda,

Waxaa uu madaxweynaha cusub ku bogaadiyay doorashada isagoo ballan-qaaday in isaga iyo shacabkiisa ay garab istaagaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa.

Gaar ahaan waxaa uu u mahad celiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo sida uu hadalka u sheegay soo gaarsiiyay dalka marxalad wanaagsan.

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ‘’Hambalyo Soomaaliya Hambalyo’’ isaga oo markaa adeegsanayay luuqada afka Soomaalida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]