4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2017
Dawlada Ingiriiska oo Soomaaliya iyo Koofur Suudaan ugu deeqday £100 malyan

Arbaco, Febraayo 22, 2017 [HOL]-Dawlada Ingiriiska ayaa Soomaaliya iyo Koofur Suudaan ugu deeqday £100 malyan maadaama abaaro ay ka jiraan labada dalba.

Soomaaliya iyo Koofur Suudaan ayaa dadkoodu macaluul qarka usaaran yahay. Sidoo kale ayaa Soomaaliya iyo Koofur Suudaan waxaa ka jira colaado dadkii halakeeyay muddo dheer.

Lacagtaa ayaa loogu talo galay in wax loogu qabto ilaa hal malyan oo qof oo labada dal kukala nool isla markaana ay heystaan daruufo nololeed oo adag.

Qarashkaa yaa loogu talo galay taakuleyn dhanka raashinka, biyaha iyo caafimaatka ah in lagu qarash gareeyo.

Durba xaalad macaluul ah ayaa laga soo sheegay Koofurta Suudaan halkaa oo 100 kun oo qof la shaaciyay in majaaco ay qarka u saaran yihiin.

Ka sokow labadaa dal ayaa waxaa dhawaan iyana la shaaciyay in macaluuli ka jirto dalalka Nigeria iyo Yemen.

Dhan kale, QM ayaa sheegtay in maadaama roobab yari ay jirto ay xaalada raashin yarida Geeska Afrika kasii dari karto.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa barakiciyay ilaa 135 kun oo qof. Shalay Salaasadii ayaa sidaa waxaa warbaahinta u sheegay af hayeen u hadlay  QM Farhan Haq.

Farhan Haq oo la hadlayay warfidiyeenka xaflad shalay ka dhacday Nairobi oo ay soo qabanqaabiyeen UNHCR, NRC iyo weliba ururo kale oo samo fal ayaa sidaa sheegay qeylo dhaana diray.

"Waxaa si dagdag ah loogu baahan yahay ficil in lagu dhaqaaqo iyo qarash faro badan si macaluul loo baajiyo la mid ah tii 2011," Haq ayaa sidaa yiri.

Sanadkii 2011 ayaa waxaa la sheegay in ilaa rubac malyan qof ay ugu dhinteen macaluul gudaha Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]