4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2017
Munaasabada calleemo saarka madaxweynaha oo socta iyo madax kale duwan oo khudbadahooda jeediyay


Arbaco, Feberaayo,  22, 2017 (HOL) -  Waxaa socta khubdbadaha martida ka qeybqaadaneysa munaasabada caleemo saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si rasmi ah uga socta xarunta Afsiyooni ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda waxaa khubadahooda jeediyay, madaxweynaha dalka Kenya, ra’iisal wasaaraha dalka Kenya,  wakiil ka socda midowga Yurub,  wakiil ka socda Jaamacada carabta, iyo madaxweynaha dalka Jabuuti waxaana lagu wadaa in sidoo kale saacadaha soo socda khudbadahooda jeediyeen martisharafta kale ee ku sugan madasha.

Madaxda ka qeyb galeysa munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Kenya, ra'isul wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweyne ku-xigeenka dalka Sudan  iyo martisharaf kale..

Waxaa sidoo kale lagu wadaa munaasabada oo wali socta in khudbado ka jeediyaan Madaxda Soomaalida qaarkood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]