4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2017
Madaxda inta badan wadamada dariska ah oo ku sugan magaalada Muqdisho

Arbaco, Feberaayo,  22, 2017 (HOL) -  Waxaa goor dhaw oo maanta ah gaaray magaalada Muqdisho madaxda wadamada dariska ah oo ka qeybgallaya munaasabada calleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynayaasha yimid magaalada Muqdisho goor dhaw waxaa ka mid ah madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar  Geelle,  madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta,  ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, madaxweyne ku-xigeenka dalka Suudaan iyo sidoo kale dibulamaasiiyin ka socda qaarada iyo wadamada carabta.

Wali waxaa socta qabanqaabada munaasabada caleemo saarka waxaa mashquul lagu hayay ilaa iyo hadda soo dhaweynta madaxda kala duwan ee soo gaaraya goobta ay munaasabada ka dhaceyso.

Marka laga soo tago mas’uuliyiinta wadamada caalamka ka socda, sidoo kale waxaa goobta jooga madaxweynaha xilka wareejiyay Xassan Sheekh Max’uud, iyo guud ahaan  madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka.

Wixii warar ah ee hadba ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]