4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2017
Xaflad lagu taageerayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo ka dhacday Islii Nairobi

Arbaco, Febraayo 22, 2017 [HOL]-Shalay galab ilaa xalay ayaa waxaa lagu qabtay xaafada Islii ee Nairobi dalka Kenya xaflad lagu taageerayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day oo sanad walba la qabto markii taariikhdu tahay 21ka Febraayo.

Waxay ka dhacday dhismaha Eastleigh Mall hoolkiisa weyn ee shirarka 9ka galabnimo ilaa 6da galabnimo ilaa waliba xalay fiidkii hore waxaana ay ku saabsanayd sidii loo fahmi lahaa ahmiyadaha afafka hooyo ee dadyow kala duwan oo caalamka kunool gaar ahaan afka Soomaaliga, Kiswahiliga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Carabiga.

Waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahano badan oo ku xeel dheer luuqadaha gaar ahaan luuqadaha Carabiga, Kiswahiliga, Soomaaliga iyo Ingiriiska.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]