4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2017
QM oo dalbatay lacago dheeraad ah si wax looga qabto xaalada abaarta

 Arbaco, Feberaayo, 22, 2017 (HOL) - Hay’adaha Qaramada Madoobey  ayaa ka dalbanaya deeq bixiyayaasha caalamiga ah lacago si loogu dar dar galiyo howl gallo caawimaad naf bad baadin ah oo laga sameeynayo goobaha ay abaaruhu ku dhufteen ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaas oo malaayiin qof oo gaajeysan ay qarka u saaran yihiin geeri iyo xanuuno kale, sida ay hay’aduhu ku warameen.

Shan sano ka dib, abaartii ba’aneyd ee Soomaaliya ku dhufatay 2011, taas oo dishay dad lagu qayaasay 260 kun oo qof oo Soomaali ah, ayaa mar kale waddanku wuxuu dhexda uga jiraa musiibo la xiriirta abaarta daran. 

Meelaha ugu darran ee ay abaaruhu ku dhufteen ayaa kala ah deegaanno ka tirsan Puntland iyo Somaliland, halkaas oo durba laga soo warinayo dhimasho iyo xanuuno ka dhashay macluusha.

Afhayeen u hadlay hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga, Leo Dobbs, aya sheegay in ay Axaddii ka war heleen warar sheegaya in 38 qof ay dhibaatooyin abaaraha darteed ay ugu dhinteen gobolka Bakool.

Q.M. ayaa sheegtay in lix milyan iyo laba boqol oo kun oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan abaaraha jira. Hay’adda Unicef waxay iyana tilmaamtay in carruurtu ay yihiin kuwa ugu jilicsan ee ay abaartu halista ugu jiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]