4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 22, 2017
Munaasabada caleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo maanta Muqdisho ka dhaceysa

 Arbaco, Feberaayo, 22, 2017 (HOL) - Maata oo Arbaco oo ku beegan 22 bisha Feberaayo, waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabada caleemo saarka madaxweynaha dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Munaasabada ayaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan madax heer caalami ah oo ay ku jiraan madaxweynayaasha wadamada dariska iyo wakiil ka kala socda beesha caalamka.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka oo hada intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiinta kala duwan ee goob jooga u noqon doona caleemo saarka madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay ka qeybgali munaasabada mdaxweynayaashii hore sida Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed, iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.

Inta ay socoto munaasabada caleemo Saarka ayaa waxaa masraxa lagu soo bandhigi doonaa suugaanta wadaniga ah iyo ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah.

Ugu danbeyntii, ciidamada dowladda federaalka ayaa aad u adkeeyay ammaanka magaalada Muqidsho, gaar ahaan goobta lagu qabanayo munaasabada, si looga hortago arbushaad dhacda xilliga xaflada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]