4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Laba askari oo lagu dilay deegaanka Shalambood ee gobolka Shabeellaha hoose

Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa la soo sheegayaa in ay laba askari oo ka tirsan ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku dileen deegaanka Shalambood ee ka tirsan gobolka Shabelaha  Hoose.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Hiiraan Online in kooxda dika geystay horay u qaateen Mooto ay wateen askartii ay dileen.

“ Waxaan arkay meydka laba askari, oo dhuulka yaala meel u dhow xaafadeyda” Xaawa Maxamed oo dadka deegaanka ka mid ah ayaa Hiiraan Online u sheegtay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dilaan kooxo hubeysan, balse ma jiraan inta badan dad loo soo qab-qabto weeraradda.

Laba cisho ka hor Taliyaha Hey’adda Nabd Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Gen Gaafoow waxaa uu sheegay in 10-kun oo dollar ay siinayaa qofkii soo sheega kooxo hubeysan oo qorsheynaya in ay dilal ka geystaan gudaha Magaaladda Muqdisho.

Hassan Istiila

[email protected]