4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Hargeysa:Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay xadhiga laba wariye iyo SOLJA oo cambaaraysay

Talaado,Febraayo ,21 , 2017 (HOL) – Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay xadhiga agaasimaha TV-ga STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaanay sheegeen inay maxkamadda hor keeni doonno.

Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay in agaasimaha star tv Maxamed Baashe loo xidhay inuu ku kacayy falal kicin dadweyne iyo khalkhalgalin amniga, isla markaana ka baxay shaqaddii suxufinimo, halka wariyaha Cabdimaalik Muuse Coldoona ku eedeysan yahay qaran dumis,isla markaaana faafiyey warar been abuur ah.

 “Ciidanka boolisku waxay xidheen eedeysane Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah agaasimaha Star tv,kaasi oo lagu eedeynayo inuu ku kacay falal ah kicin dadweyne, khalkhalgalin amni,isla markaana ka baxay mihnaddii saxaafadda ka dib markii uu ka hor yimid mashruucii madaarka Berbera ee labadda gole qaran cod caqlabiyad leh ku ansixiyeen”ayuu yidhi Faysal Xiis oo ka faahfaahinayey sababta loo xidhay wariye Maxamed Baashe.

“ eedeysanne Maxamed Baashe wuxu qaban qaabinayeyy shir lagu qaybinayey waraaqo lagu kicinayey dadweynaha wuuna xidhan yahay may ahayn inuu galo wax aan shaqadiisa ahayn oo dambi ciqaabeed ayuu galay si degdeg ah waxa loo hor gaynayaa maxkamada”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Faysal Xiis oo isna ka hadlayey xadhiga Wariye Coldoon waxa uu yidhi “ciidanka boolisku  waxay bishii labaad, 15-keeddii ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanne Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaasi oo lagu eeeyey inuu ka hor yimd jiritaanka qaranimada Somalilad oo uu faafineyy warar been ah oo aan sal iyo raad doona lahayn”.

“Wuxuu ahaa nin qaran dumis ah oo ka hor yimid qaranimadda Somaliland, waxaana marag muujin u ah oo laga arki karaa Baraha bulshada isku aragto marka loo baahana waxa la hor geyn doona Maxkamadda”ayuu yidhi.

Dhinaca kale, gudoomiyaha ururka Saxaafadda Somaliland, Maxamuud Xuuto ayaa cambaareeyey xadhiga agaasimaha Star tv iyo mulkiilaha UNIVERSAL iyo Wakiiladda Universal ee Somaliland oo iyaguna shalay lagu xidhay xarunta dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa oo markii ay habeen xidhnaayeen la iska sii daayey.

“waxa xalay lagu xidhay agaasimihii tv-ga STAR TV, doraadna waxa magaaladda Hargeysa lagu xidhay oo markii dambe la siidaayey mulkiilihii UNIVERSAL TV iyo wakiilka Somaliland u jooga,, labadda dhacdo waxaanu u aragnaa xad gudub lagula kacay xoriyatul qawlka, tusaale ahaan mulkiilaha UNIVERSAL Eng:Axmed Abubokor iyo Xuseen Caabi oo ah wakiilka Somaliland u jooga tv-gaasi sirdoonka gobolka Maroodi jeex baa xidhay, iyagoo sifo sharci ah u marin xadhigiisa, sharciguna wuxuu dhigaya in maxkamad awood u leh ay wariyeyaasha xidhi karaan, hore sirdoonku way iska xidhaan, markii dambana way iska sii daayeen, marka waanu cambaaraynaynaa falalka sharciga ka baxsan ee lagula kacay wariyeyaasha”ayuu yidhi gudoomiyaha SOLJJA Xuuto oo ka hadlayey xadhiga wariyeyaasha ee soo noqnoqonaya. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland