3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Agaasimihii Telefishanka STAR TV oo Ciidamadda amniga Somaliland xabsiga loo taxaabeen

Talaado,Febraayo ,21 , 2017 (HOL) –Agaasimihii telefishanka maxaliga ah ee STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa xalay ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen.

Ciidanka amniga ayaan ka hadal sababta loo xidhay iyo wuxuu daaran yahay xadhigiiisu, haseyeeshee wariye Maxamed Baashe oo ah qoraa weyn oo ka mid ah dadka la qadariyo ayaa xadhigiisa loo sibir saarayaa inuu si toos ah u cadeeyey inuu ka soo horjeeddo saldhiga Militari ee Berbera ee la siiyey Imaaraadka Carabta.

Maxamed Baashe ayaa fartiisa Facboogiisa ka cadeeyey in uu si weyn uga soo horjeeddo, isla markaana fagaarayaal la iskugu yimid sheegay in berberi hiil u baahan tahay, waxa kale oo uu bartiisa arrimaha bulshadda ee Facbooga soo dhigay mdaxiisa oo uu soo saaray oo u sheegay in wakiilka Somaliland ee Imaaraaadka Baashe Cawil uu baloodh moodi gaadhay Bidaartiisa oo uu iibsan gaadhay, waxaanu saldhiga xoog ugu dhaliilay xukuumadda iyo wakiilka Imaaraaadka Carabta Baashe Cawil.

Baraha bulshadda ayaa illaa maanta lagu cambaareynayey xadhiga agaasimaha Maxamed Baashe, waxaanu dadku u arkayeen  in aragtidii muwaadinku xaq u lahaa laga hor joogsaday, taas oo ka hor imanaysa dimuqraadiyaddii Somaliland

 Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
2/21/2017 2:49 PM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) -Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay bilihii la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

2/21/2017 11:06 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Meydadka ilaa 87 tahriibayaal ayaa laga hellay xeebaha dalka Liibya, gaar ahaan gobolka Zawiya.

2/21/2017 9:30 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya deegaanka Camaara ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay tageen ciidamo Galmudug oo wehlinayeen ciidamada Danab ee militariga dowladda Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

2/21/2017 9:21 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Iyadoo maalintii shalay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle uu ku dhawaaqay xubnaha gollihiisa ayaa waxaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar dibadbax looga soo horjeedo magacaabista gollaha wasiirada cusub.

2/21/2017 7:44 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa la soo sheegayaa in ay laba askari oo ka tirsan ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku dileen deegaanka Shalambood ee ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose.

2/21/2017 7:37 AM EST
Talaado,Febraayo ,21 , 2017 (HOL) – Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay xadhiga agaasimaha TV-ga STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaanay sheegeen inay maxkamadda hor keeni doonno.

2/21/2017 5:48 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in uu ka qeybgalo Caleemosaarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/21/2017 4:51 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/21/2017 3:23 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL] Koox hubeysan oo wadatay mooto nooca Bajaaj-ka ah, ayaa waxaa ay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalladda muqdisho ku dileen ganacsade caan ah.

2/21/2017 1:48 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in 1.4 malyan oo carruur ah ay nafaqo darro ku heyso 4 dal.

2/21/2017 1:21 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) - Magaalada London ayaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, taasi oo ay soo qaban qaabisay Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ah urur u heellan horumarinta Afka hooyo

2/21/2017 12:41 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in xaafada Islii ee Nairobi dalka Kenya lagu qabto xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day oo sanad walba maanta oo kale markii taariikhdu tahay 21ka Febraayo la qabto.