3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe oo goor dhaw gaaray magaalada Muqdisho

Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in uu ka qeybgalo caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safarka Sheekh Shaakir ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Muqdisho tan iyo markii loo caleemo saaray in uu noqdo madaxweynaha maamulka gobollada dhexe oo siweyn uga soo horjeeda maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay degmada  Cadaado.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa horay u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo sheegay in ay la shaqeyn doonaan.

Ka qeybgalka maamulka gobolleedka dhexe ee munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqata mid awood dheeraad ah siin karta maamulkan gobollada dhexe oo xiriirkoodu aad u xumaa dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Max’uud.

Arintan ayaa siweyn looga soo dhaweeayay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guri-ceel oo ka mid ah deegaannada uu ka arimiyo maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
2/21/2017 2:49 PM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) -Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay bilihii la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

2/21/2017 11:06 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Meydadka ilaa 87 tahriibayaal ayaa laga hellay xeebaha dalka Liibya, gaar ahaan gobolka Zawiya.

2/21/2017 9:30 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya deegaanka Camaara ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay tageen ciidamo Galmudug oo wehlinayeen ciidamada Danab ee militariga dowladda Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

2/21/2017 9:21 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Iyadoo maalintii shalay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle uu ku dhawaaqay xubnaha gollihiisa ayaa waxaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar dibadbax looga soo horjeedo magacaabista gollaha wasiirada cusub.

2/21/2017 7:44 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa la soo sheegayaa in ay laba askari oo ka tirsan ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku dileen deegaanka Shalambood ee ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose.

2/21/2017 7:37 AM EST
Talaado,Febraayo ,21 , 2017 (HOL) – Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay xadhiga agaasimaha TV-ga STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaanay sheegeen inay maxkamadda hor keeni doonno.

2/21/2017 6:37 AM EST
Talaado,Febraayo ,21 , 2017 (HOL) –Agaasimihii telefishanka maxaliga ah ee STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa xalay ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen.

2/21/2017 4:51 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/21/2017 3:23 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL] Koox hubeysan oo wadatay mooto nooca Bajaaj-ka ah, ayaa waxaa ay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalladda muqdisho ku dileen ganacsade caan ah.

2/21/2017 1:48 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in 1.4 malyan oo carruur ah ay nafaqo darro ku heyso 4 dal.

2/21/2017 1:21 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) - Magaalada London ayaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, taasi oo ay soo qaban qaabisay Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ah urur u heellan horumarinta Afka hooyo

2/21/2017 12:41 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in xaafada Islii ee Nairobi dalka Kenya lagu qabto xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day oo sanad walba maanta oo kale markii taariikhdu tahay 21ka Febraayo la qabto.