4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
UNICEF: 1.4 malyan oo carruur ah ayaa nafaqo darro ku heysaa 4 dal

Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in  1.4 malyan oo carruur ah ay nafaqo darro ku heyso 4 dal.

Dalalkaa ayaa kala ah Soomaaliya, Koofur Suudaan, Yemen iyo Nigeria. Dagaalka Koofur Suudaan ayaa sababay in carruur tiradoodu dhan tahay 462,000 ay nafaqo darro asiibto.

Dagaalka sokeeye ee dalkaasi Koofur Suudaan ayaa iminka socday ku dhawaad 2 sano.

Ilaa 450 kun oo carruur ah ayaa iyana nafaqo darro ku heysaa gudaha dalka Nigeria.

Gudaha Soomaaliya abaarta jirta darteed waxaa UNICEF ay sheegtay shalay Isniintii in 185,000 oo carruur ah ay nafaqo darro ku dhacday.

Bilaha soo socda ayay sidoo kale sheegtay in carruurta nafaqo darradu heyso ay tiradoodu gaari doonto 270 kun.

Wadamadaa 4ta ah ee kala ah Soomaaliya, Koofur Suudaan, Yemen iyo Nigeria ayaa dhammaantood waxaa kajira colaado iyo abaaro keenay in raashin yari ay ka dhacdo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]