4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo ka dhaceysa Islii Nairobi maanta

 

Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in xaafada Islii ee Nairobi dalka Kenya lagu qabto xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day oo sanad walba maanta oo kale markii taariikhdu tahay 21ka Febraayo la qabto.

Waxay ka dhici doontaa dhismaha Eastleigh Mall hoolkiisa weyn ee shirarka 9ka galabnimo ilaa 6da galabnimo waxaana ay ku saabsanaan doontaa sidii loo fahmi lahaa ahmiyadaha afafka hooyo ee dadyow kala duwan oo caalamka kunool gaar ahaan afka Soomaaliga, Kiswahiliga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Carabiga.

Sidoo kale ayaa waxaa Nairobi iyana ka dhici doonta 8da bisha Maarso xaflad kale oo loogu dabbaal dagayo Maalinta Haweenka Aduunka oo ku beegan maalintaa.

Xaflada loogu dabbaal dagi doono Maalinta Haweenka Aduunka ayaa lagu qaban doonaa dhismaha Eastleigh Mall hoolkiisa weyn ee shirarka 5ta galabnimo ilaa 8da fiidnimo ee 8da bisha Maarso.

Hal ku dhagga dabbaal daggaa ee Maalinta Haweenka Aduunka ee sanadkaan ayaa ah 'Sisterhood Solidarity' oo la macno ah 'Midnimada Dumarka Walaalaha ah'.

Gaar ahaan ayaa ururo Soomaaliyeed oo soo qabanqaabinaya xafladaa ay damacsan yihiin inay ugu dabbaal dagaan dadaalada dumarka Soomaaliyeed ee isku hawliya inay horumariyaan nolosha dumarka Soomaaliyeed.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]