4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
IMF oo ka caawinaysa Soomaaliya sidii lacago shilin Soomaali ah dalka loogu daabici lahaa

 

Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Hayada lacagta aduunka ee IMF ayaa sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya sidii lacago shilin Soomaali ah dalka loogu daabici lahaa.

Soomaaliya ayaa lacagaha shilin Soomaaliga ah ay ku dabo yar yihiin.  Shidoo kale ayaa IMF ay iminka sheegeysaa in dadaalkaan loogu jiro sidii shilin Soomaaliga baaliyoobay ee dalka yaala loo baddali lahaa oo lacag cusub oo jadiid ah loogu baddali lahaa.

Qiyaastii 30 sano ka hor ayaa ugu dambeysay lacag Soomaali sax ah oo Soomaaliya loo soo daabaco.

Lacago been abuur ah wey jireen laakiin sax ma ahayn mana la wada aqoonsanayn waxaana lagu soo daabici jiray si aan xalaal ahayn oo qarsoodi ah.

IMF ayaa sheegtay in lacagaha cusub ee shilin Soomaaliga ah ee lasoo daabici doono iyo weliba doolarka laga adeegsan doono dalka Soomaaliya si rasmi ah isla sanadkaan inta uusan dhammaan.

'Ilaa 98% lacagta Soomaaliya iminka laga isticmaalo waa faalso. Samba Thaim oo ah madaxa IMF waaxda Soomaaliya ayaa sidaa sheegay shalay asagoo ku sugnaa Nairobi Kenya.

Dawladii dhexe ee Soomaaliya ayaa burburtay sanadkii 1991 markii diktatoor al-Marxuum Maxamed Siyaad Barre la afgambiyay sidaa daraadeedna waxaa la waayay dawlad dhexe oo adag oo kale oo lacago dalka si xaq ah oo munaasab ah ugu soo daabacda.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]