4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Qaramada Madoobey oo cambaareysay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho

 Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) – Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Machael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii shalay ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaallay xaafadda Kaawo –Goodey ee degmada Wadajir

‘’Waxaan cambaareyneynaa weerarkii argagixisada ee Muqdisho ka dhacay ee lala eegtay dadka rayidka ah ayuu yiri ‘’ wakiilka QM ee Soomaaliya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu bartilmaameedsaday suuqa Kaawo-Godey, wadajir ee gobolka Banaadir.

Dadka wax yeellada ugu badan ay ka soo gaartay weerarka ayaan isugu jiray dad xiligaa marayay waddada dhinaceeda iyo kuwa kale oo goobo ganacsi ku lahaaa suuqa oo waqtiga qaraxa lala eegtay ahaa xiliga uu ugu mashquulka badnaa.

Sidoo kale weerarka ayaa imanaya xili loo diyaargaroobayo maalin kadib in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan sii xoojineynaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

Ururka Al-shabaab ayaa waayadii ugu danbeeyay xoojiyay weerarada ka dhanka ah ciidamada midowga Africa iyo kuwa dowladda federaalka, waxaana weeraradaa ka dhashay khasaare baaxad leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]