4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Jaaliyadda St Cloud Minnesota oo taageeray madaxwayne Farmaajo


Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) - Xafladd aad u balaaran oo lagu taageerayay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi farmaajo ayaa lagu qabtay magaaaladda St Cloud ee gobolka Minnesota waxaana soo qabanqaabiyey Somali American Relations Council.

Madaxa Hay’adda soo qabanqaabisay Axmed Cali Saciid ayaa HOL u waramay isagoo sheegay in ay dhankooda Soomaalida St Cloud ay aad ugu faraxsan yihiin isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya ,Waxaan nahay muwaadiniin ku dhaqan dibada dalka dareenka iyo farxadda ka socota gudaha dalka ayaan kaalinteena uga jirnaa, sidaa daradeed ayaan waxaan u qabanay dadka St Cloud in ay iyaguna taageeraan madaxwaynaha cusub.

Xafladii xalay ayaa waxaa laga soo jeediyey khudbado kala gadisan oo ay soo jeediyeen marti sharaftii kala duwaneed, iyadoona lagu soo bandhigay heeso ciyaaro dhaqameed iyo gabayo kala duwan.

Huda Ibraahim oo bare ka Kuliyadda farsamada ee St Cloud ayaa iyaduna ka hadashay kaalinta ay bulshaddu ka qaadan karto isgarbtaaga dowladooda xag talo iyo mid dhaqaale ,waxayna kaloo Huda ka codsatay madaxwaynaha cusub in uu R/Wasaare u doorto Haween iyadoo sii raacisay in waliba ay ka soo jeedo gobolada Waqooyi.

Ugu danbayntii ayaa dadkii halkaa isagu yimi waxaa ay is fareen in loo istaago taakulaynta Abaaraha ka jira gayiga iyagoo sheegayna in magaaladda ay ka sameeyeen gudi u qaabilsan arintaas.

Siyad Said Salah

[email protected]

MPLS Minnesota